Wararka la soo xiriiridda
Waxyaabaha ay tahay in la tixgeliyo:
- Adeegyada xafiisku waa lacag la’aan. Qofka telefoonka soo dira kharashka telefoonka ka soo gaarayaa waa kan sida caadiga ah ee qofka heshiiskiisa telefoonku siduu dhigayo ah, kharash kale oo gaar ah oo dheeraad ah telefoonkaad soo dirtay kaagama imaanayo. Haddii aad codsato, anagaa telefoonka kugu soo celineyna oo dib kuu wacaynaa.
- Haddii aad xafiiska imaanayso waa inaad hore ballan u samaysataa, si qofka kormeeraha guud ah ee arrintaada hawsheeda gelayaa uu ugu talagalo wakhti arrintaada ku filan, uuna u sii urursado wararka uu arrintaada darteed u baahan yahay, haddii turjubaan loo baahan yahayna si uu u sii qabanqaabiyo inuu turjubaan yimaado.
- Haddii aadan aqoon luuqadda Finnishka ama Iswiidhishka ama Ingiriiska, warqadda ama e-mailka waxaad ku soo qori kartaa luuqadaada hooyo, xafiiska wakiilka dadka tirada yar ayaa warqadda turjumanaya. Turjubaanidda adiga wax kharash ah kaagama imaanayo. Waxaannu jeclaan lahayn, in qoraalka aad noo soo gudbineysaa uu noqdo ugu badnaan laba bog.
Cinwaanka boostada:
VÄHEMMISTÖVALTUUTETUN TOIMISTO (XAFIISKA WAKIILKA DADKA TIRADA YAR)
PL 26
FI-00023 VALTIONEUVOSTO
Cinwaanka tegitaanka:
Mikonkatu 25, Helsinki
Telefoonka talosiinta: +358 (0)71 878 8666 (maalmaha shaqadu jirto saacadaha 10-12)
Arimaha maamulka: +358 (0)71 878 8673
lambarka telefoonada laga gudbiyo: +358 (0)71 878 0171
Faksi: +358 (0)71 878 8672
E-mail: ofm (at) ofm.fi
dadka: magaca qofka.magaca qoyska@ofm.fi
Dib u noqo
bogga soo saaro (soo baxso)