U adeegga macaamiishaXafiiska wakiilka dadka tirada yar wuxuu leeyahay u adeegga macaamiisha, halkaas oo lala soo xiriiro
Haddii ay dhacdo arrin takoorid ah wakiilka dadka tirada yar wuxuu samaynayaa waxyaabaha loo baahan yahay si arrinta wax looga qabto.
Ilaalinta waxyaabaha aan la xiriirin takooridda ku salaysan asalka uu qofku ka soo jeedo iyo ajnebinimada iyo waxyaabahaas kala talintoodu kama mid aha waxyaabaha uu wakiilka dadka tirada yar ku shaqa leeyahay. Haddii loo baahdo arrinta waxaannu u gudbinaa shaqaalaha maamulka dowladda ee arrintaas ku shaqoa leh. Xafiiska wakiilka dadka tirada yar waxaa loola soo xiriiri karaa siyaabahan soo socda:
Telefoon
Lambarka telefoonka ee qofka heeganka ku qoran waa 071 878 8666 (maalmaha shaqadu jirto saacadaha 10-12). Kormeeraha guud ee heeganka ku qoran ayaa qofka telefoon ugu sheega wixii talooyin ah ee loo baahan yahay si arrinta loo baaro, haddii loo baahdo in arrinta hawsheeda la sii wadana kormeeraha guud ayaa qofka kula heshiiya sida ay tahay in la yeelo.
Telefoonka waxaannu kuugu adeegi karnaa luuqadaha Finnishka, Iswiidhishka ama Ingiriis.
Wakhtiga heeganka waxaa jira biririfo ah xilliga qadada iyo xilliga shirarka, wakhtiyadaasna telefoonada heeganka la soo wacaa waxay ku hagaagaan lambarka telefoonada laga gudbiyo, halkaas oo lagaaga sheegayo wakhtiyada ay qaybta u adeegga macaamiisha lala soo xiriiri karo. E-mail ama warqad
Arrimaha ku saabsan takooridda dartood iyo arrimaha kale ee jira dartoodba waxaad noo soo diri kartaa e-mail aad ku soo hagaajinayso cinwaanka ofm (at) ofm.fi. Warqadaha waxaa lagu soo hagaajiyaa cinwaanka:
Vähemmistövaltuutetun toimisto (Xafiiska wakiilka dadka tirada yar)
PL 26
00023 VALTIONEUVOSTO
Ama warqadda waxaad u keeni kartaa waardiyaha xafiiska, cinwaankuna waa Mikonkatu 25, Helsinki. Cinwaankani wuxuu ku yaallaa meel qiyaastii 500 mitir u jirta Saldhigga Tareemada ee Helsinki (Helsingin rautatieasema), meesha metrooga ee Kaisaniemina wuxuu u jiraa qiyaastii 200 mitir.
Haddii aadan aqoon luuqadda Finnishka ama Iswiidhishka ama Ingiriiska, warqadda ama e-mailka waxaad ku soo qori kartaa luuqadaada hooyo, xafiiska wakiilka dadka tirada yar ayaa warqadda turjumanaya. Turjubaanidda adiga wax kharash ah kaagama imaanayo. Waxaannu jeclaan lahayn, in qoraalka aad noo soo gudbineysaa uu noqdo ugu badnaan laba bog.
Waxyaabaha ay tahay in la tixgeliyo:
Adeegyada xafiisku waa lacag la’aan. Qofka telefoonka soo dira kharashka telefoonka ka soo gaarayaa waa kan sida caadiga ah ee qofka heshiiskiisa telefoonku siduu dhigayo ah, kharash kale oo gaar ah oo dheeraad ah telefoonkaad soo dirtay kaagama imaanayo. Haddii aad codsato, anagaa telefoonka kugu soo celineyna oo dib kuu wacaynaa.
Haddii aad xafiiska imaanayso waa inaad hore ballan u samaysataa, si qofka kormeeraha guud ah ee arrintaada hawsheeda gelayaa uu ugu talagalo wakhti arrintaada ku filan, uuna u sii urursado wararka uu arrintaada darteed u baahan yahay, haddii turjubaan loo baahan yahayna si uu u sii qabanqaabiyo inuu turjubaan yimaado.
Dib u noqo bogga soo saaro (soo baxso) |