Arrimehee ayuu wakiilka dadka tirada yar hawshooda galaa?

Dadka macaamiisha ah ee wakiilka dadka tirada yar uu arrimohooda qaabilsan yahay waa dadka waddanka u soo guurey, dadka ajnebiga ah ee waddanka deggen iyo dadka Finnishka ah ee asal ahaan kooxo yar yar ka soo jeeda sida dadka Roomaanka ah (timo madowda) iyo dadka reer Lapland (saamelaiset). Wakiilka dadka tirada yar wuxuu qaabilsan yahay ilaalinta arrimaha la xiriira takooridda qofka loogu sameeyo asalkuu ka soo jeedo ama ajnebi uu yahay dartiis. Arrimaha kale ee intaas ka baxsan oo ah xuquuq u doodidda ama talooyinka taas la xiriira, hawlahooda wakiilka dadka tirada yar shaqo kuma laha. Arrimaha takooridda ah ee loo soo gudbiyo wakiilka dadka tirada yar, wakiilku haddii loo baahdo wuxuu u sii gudbiyaa maamulka dowladda ee arrintaas qaabilsan.
 
Dhinaca takooridda ah in qofka asalkuu ka soo jeedo dartiis loo takooro, wakiilka dadka tirada yar wuxuu arrinta hawsheeda galaa, haddii qofka macaamiisha ah cidda ka soo horjeedda ee takooridda looga shakisan yahay tahay shaqaale dowladeed ama qolo adeegga dadweynaha samaysa oo barayfit ah ama dowladda ah, tusaale ahaan qolo ganacsi leh (yritys), qolo aqoontooda ku shaqaysata (elinkeinonharjoittaja) ama degmada (kunta).



< Dib u noqo > bogga soo saaro (soo baxso)