Sidee buu wakiilka dadka tirada yari u shaqeeyaa oo arrimaha wax uga qabtaa?

Wakiilka dadka tirada yar wuxuu horumar ku sameeyaa xuquuqda iyo jagada ay dadka asal ahaan kooxo yar yar ka soo jeeda iyo dadka ajnebiga ah bulshada ku leeyihiin
  • isagoo dadka xafiiska la soo xiriira siiya tilmaamo iyo talooyin ku saabsan arrimaha la xiriira asalka uu qofku ka soo jeedo iyo ajnebinimada
  • isagoo wax ka qabta, dadka kalana ku dhiirigeliya inay wax ka qabtaan takooridda asalka ku salaysan iyo badbaadada xuquuqda ee dadka ajnebiga ah iyo dadka asal ahaan kooxo yar yar ka soo jeeda
  • isagoo bixiya wargelimo iyo waxbarashooyin ku saabsan asalka laga soo jeedo iyo jagada ay dadka ajnebiga ah bulshada kaga jiraan
  • isagoo isku daya in fikradaha laga qabo iyo sida loola dhaqmo dadka ajnebiga ah iyo dadka asal ahaan kooxo yar yar ka soo jeeda ay is beddelaa oo noqdaan kuwo si fiican ah
  • isagoo warbiximo uu gudbinayo ahaan saamayn ugu yeelanaya dejinta sharciyada, raboodhada iyo sida wax loo fuliyo
  • isagoo hadba arrimaha markaas jira saamayn ku sameeya, isagoo isticimaalaya nidaamka ah in warar laga bixiyo ama isagoo bilaaba inuu soo jeediyo waxyaabaha loo bahan yahay
  • isagoo ka qaybqaata wadahadallada arrimaha bulshada, tusaale ahaan isagoo ogolaada in laamaha warisgaarsiintu waraysiyo la yeeshaan
Wakiilka dadka tirada yar wuxuu si joogto ah ula kulmaa ururada iyo kooxaha mettela dadka asal ahaan ka soo jeeda kooxaha yar yar. Waxaa kaloo intaa dheer, in wakiilku hadday u suuroowdo uu ka qaybqaato horumarinta waxqabadyada ay sameeyaan bulshooyinka mettela dadka asal ahaan ka soo jeeda kooxaha yar yar.
 
Wakiilka dadka tirada yar wuxuu qabtaa shirar laysugu yimaado, wuxuuna ka qaybqaataa qabanqaabinta kulamada, seminaarada iyo shirarka wadatashiga ah ee lagaga hadlayo dhibaatooyinka u khaaska ah dadka asal ahaan kooxaha yar yar ka soo jeeda iyo mawduucyada wakhtiga markaas la joogo jira. Kulamadu waxay kaloo yihiin hab labada dhinacba isugu soo gudbin karaan wixii warar ah ee jira.




< Dib u noqo > bogga soo saaro (soo baxso)