Tilmaamid ku saabsan sida loo sameeyo dacwada loo soo gudbinayo wakiilka dadka tirada yar

Markaad wakiilka dadka tirada yar u soo sheegeyso dacwada ku saabsan takooridda lagugu sameeyey ama khaladaadka aad dareentay, arrintaada falanqaynteeda waxaa dedejin ku samaynaya, haddii aad tixgelin siiso waxyaabahan soo socda.
 
Waxaa wanaagsan inaad dacwada iyadoo qoraal ah samayso. Dacwada oo qoraal ahna waxaad ku soo diri kartaa boostada, ama iyadoo e-mail ah ayaad soo diri kartaa, ama waxaad keeni kartaa risebshanka xafiiska wakiilka dadka tirada yar. Dadka ka shaqeeya xafiiska wakiilka dadka tirada yar luuqadaha ay isticimaalaan waa Finnish, Iswiidhis iyo Ingiriis. Haddii aadan luuqadahaas aqoon dacwadaada waxaad ku soo qori kartaa luuqadaada hooyo. Xafiiska wakiilka dadka tirada yar ayaa warqadaada turjumanaya, adigana wax kharash ah oo turjubaanidda kaaga imaanayaa ma jiro. Waxaannu jeclaan lahayn in warqadda aad soo qoreysaa ay ugu badnaan noqoto laba bog.
 
Dacwadaada waa inaad ku soo sheegtaa
-          yaad siduu wax u sameeyey dhaliilaysaa
-          goormay arrintu dhacday
-          waa maxay waxa dhacay, ama habka wax loo sameeyey ama go’aanka ee uu qofka dacwada wataa u arko inuu yahay wax ku salaysan takoorid asalka qofku ka soo jeedo ah ama uu u arko inay khalad tahay
-          maxay tahay sababta uu qofka dacwada wataa ugu arkay in arrintani tahay mid takoorid asalka qofku ka soo jeedo dartiis ah ama ay si kale arrintu khalad u tahay
-          ma la heli karaa wax muuqda oo arrinta caddaynaya (tusaale ahaan go’aan takoorid ah)
-          arrinta dacwadeedu meel kale ma ka socotaa
-          qofka dacwada wataa ma qabsaday qareen caawiya, tusaale ahaan looyar ((sharciyaqaan)
-          meesha lagala soo xiriiri karo qofka dacwada wata
 
Waxaa wanaagsan in qoraalka dacwada la soo raaciyo go’aannada ama qoraallada kale ee arrinta khuseeya koobigooda.
 
Dacwada waxaad u soo diri kartaa
 
-     cinwaanka boosta:
Vähemmistövaltuutettu (wakiilka dadka tirada yar)
PL 26
00023 VALTIONEUVOSTO
 
-     cinwaanka e-mail:
ofm (at) ofm.fi
 
Ama dacwada waxaad u keeni kartaa waardiyaha xafiiska (virastomestari),oo jooga cinwaanka naloogu yimaado oo ah Mikonkatu 25, Helsinki. 
 
Haddii aad xafiiska imaanayso waa inaad hore ballan u samaysataa, si qofka kormeeraha guud ah ee arrintaada hawsheeda gelayaa uu ugu talagalo wakhti arrintaada ku filan, uuna u sii urursado wararka uu arrintaada darteed u baahan yahay, haddii turjubaan loo baahan yahayna si uu u sii qabanqaabiyo inuu turjubaan yimaado.  
 
Kormeeraha guud ee heeganka ku qoran waxaad wixii talo ah telefoon ku weydiin kartaa maalmaha shaqadu jirto saacadaha u dhexeeya 10 – 12, lambarka laga helaana waa 071 878 8666
 
Xafiiska adeegyadiisu waa lacag la’aan.




< Dib u noqo > bogga soo saaro (soo baxso)